Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay iyo saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaad ka ganacsada Qamriga ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan saddex ruux oo mid ka mid ah ay tahay haweeney, halka ay ku dhaawacmeen lix kale.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha geystay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana xiray goobaha ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this