Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa qarax fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhashay.

Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taalla xaafadda Siinaay, waxaana ku dhintay inta laga warqabo hal qof, halka sideed kalana ay ku dhaawacan-tay.

Goobjoogayaal ayaa ku soo waramaya in dadka qaar uu qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus, haataana lagula tacaalayo Isbitaalka weyn ee Kismaayo.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ka sameeyay baaritaan la xiriira kuwii bambada ku tuuray maqaaxida, inkastoo aynaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeyay.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa weli ka hadlin qaraxa xalay ka dhacay Xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Inkastoo magaalada Kismaayo ay xilligan ka mid tahay magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya ee ugu amniga wanaagsan ayaa waxaa billihii ugu dambeeyay ku soo kordhayay bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo dilalka qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this