Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka madaxda maamul goboleedyada dalka oo maanta furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta uu furmi doono shirka madaxda maamul goboleedyada, kaas oo ka dhacaya caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb.

Shirka oo aad isha loogu wada-hayo ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Ajandaha maanta ayaa ah khudbado kala duwan oo ay madaxda ka jeedin doonaan furitaanka shirkaasi oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka.

Arrimaha laga wada-hadlayo waxaa ka mid ah amniga, doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo khilaafka maamul goboleedyada qaar kala dhexeeyo dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga Dhuusamareeb oo la dhigay ciidamo dheeraad ah oo xoojinayo amniga magaaladaasi.

Waa shirkii ugu horreeyey ee ay yeelayanayaa madaxda maamul goboleedyada dalka, tan iyo markii uu burburay golihii iskaashiga ee dowlad goboleeyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this