Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada Shaqsiyaadka loo haysto dilka Fanaan Hachalu Hundessa oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magacyada Shaqsiyaadka loo haysto dilka Fanaan Hachalu Hundessa oo la shaaciyay

 hachalu-2.jpg

Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday magacyada rag loo heesto in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaaada Adis Ababa loogu geestay Fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa .

Dilka fanaankan loo geestay ayaa gudaha Itoobiya gaar ahaan dhulka Oromada degto ka dhaliyay banaan baxyo rabshada wata oo sababay geerida dad ka badan 100-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar katirsan booliiska Itoobiya.

xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe ayaa sheegtay in raga lagu magacaabo Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou ay fuliyeen dilka magaalada Adis Ababa loogu geestay Hundessa.

Waxa ay xeer ilaalinta sheegtay in raggan loo heesto  dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen, ragan dilka loo heesto ayaana la sheegay in ay katirsanaayeen koox la yiraahdo “Shane” oo  ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF.

Rabshadaha ka dhashay dilka Fanaanka ayaa sababay geerida dad badan iyo sidoo kale in la xiro siyaasiyiin iyo hogaamiyaal caan ka ah gudaha Itoobiya uu kamid yahay Jawar Maxamed oo mar saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this