Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka  Puntland & Dablay  Caawa Dagaal ka dhex qarxay+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidanka  Puntland & Dablay  Caawa Dagaal ka dhex qarxay+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac
 2020710637299967379655984.jpg
 Iska hor-imaad u dhexeeyay ciidamada amniga Puntland iyo koox hubaysan ayaa caawo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

4 qof ayaa ku geeriyooday iska hor-imaadkaan, halka tiro ku dhow 7 qof oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen, sida aan kasoo xiganay masuuliyiinta Dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

Iska hor imaadku waxa uu ka dhashay kadib markii ciiddanka amnigu ay qaadeen howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyagoo bartilmaameesaday goob lagu sheegay in lagu kala iibiyo Khamriga lasoo galiyo magaalada Gaalkacyo.

Labada dhinac ayaa isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuu iska hor-imaadka ka dhacay xaafada Garsoor, oo la sheegay inay ku yiileen goobo farriisin u ah dadka ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga iyo xashiishada.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay la wareegeen guri Khamriga lagu kala iibiyo oo saldhig u ahaa dableyda.

Lama sheegin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaadhay. Xaafadaha ku dhow goobta lagu dagaalamayay, ayaa ah kuwo inta badan cidlo ah oo looga guuray dagaaladii Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland sanadihii 2015/2016.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cabanaya Khamriga oo la sheegay inuu qeyb weyn ka yahay amni xumada Gaalkacyo. Kooxaha maandooriyaha ayaa xilliyada habeenkii magaalada ka sameeyan falal lid ku ah amniga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this