Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Hawlgal.jpg?w=1000&ssl=1Kani waa sawir hore PSF

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad caawa xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Laamaha Amniga Puntland oo kooxo hubaysan.

Ciidamada oo gudaha xaafadda Garsoor ka waday hawlgal lagu beegsanayo Maandooriyaha Khamriga ayaa iska caabbin kala kulmay kooxo hubaysan oo Khamriga ka ganacsada sida ay xaqiijiyeen Sarakiil ka tirsan Booliiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun ay Khamrada ku keydsan jireen kooxaha maandooriyaha ka ganacsada sidoo kalena ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan kooxdaas inkastoo aysan tiradooda xusin.

Hawlgalka lagu beegsanayo Khamriga oo Caawa ka bilowday gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale weli ka socda xaafado ka tirsan magaalada.

PUNTLAND POST

The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this