Deeq A. Posted July 10, 2020 Dowladda Puntland ayaa xabsiga dhigtay Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul). Ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Nugaal oo ay kamid ahaayeen Labadaasi Sarkaal islamarkaana loo qaaday Magaalada Qardho si tababar loogu furo ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay. Wararku waxay intaas ku darayaan in Xarigga Labada Sarkaal uu la xiriiro gadoodka ay sameeyeen Ciidanka balse Saraakiisha Booliiska iyo Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaas. Sidoo kale maalmo ka hor waxaa gadood sameeyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo diiddanaa in la diiwaan-geliyo balse markii dambe lagu qanciyay. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga dhigtay Laba Taliye Ciidan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites