Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari marayey agagaarka iskuulka 21-ka October oo ku yaalla gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this