Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow oo caawa ah ka dhacay waddada 21-ka October ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo si aad ah looga maqlay inta badan magaalada.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay lalana eegtay gaari marayay meel ku dhow dugsigii hore ee 21-ka Oktoobar. Illaa iyo lama oga khasaaraha ka dhashay illaa iyo hadda.

Magaalada Muqdisho oo bilihi dhowaa ay aad uga yaraadeen qaraxyada ayaa waxaa muuqata in labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ay dib uga soo cusboonaadeen qaraxyada.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa 8-dii July ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Hodan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Sidoo kale, qarax uu Sabtidii 4-ta July ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada, qaraxaas oo sidoo kale loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this