Deeq A. Posted July 10, 2020 Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirka madaxda maamul goboleedyada oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb. Wararka ayaa sheegaya inuu arrimo farsamo u baaqday furitaanka shirkaas oo ah mid xasaasi ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in madaxda maamul goboleedyada ay isla garteen in maanta oo Jimco ah ay noqoto maalin nasiino ah. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaas ayaa si rasmi ah beri u furmi doono. Shirkan oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites