Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka-cad ee Mareykanka oo laga taageeray xiriirka Somaliland & Taiwan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) –  Guddiga ammaanka ee Aqalka-cad ee uu hor boodayo Donald Trump ayaa taageero u muujiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee dhexmaray labada maamul ee Taiwan iyo Somaliland.

Taiwan oo aaminsan iney ka go’day Shiinaha balse aan wali helin aqoonsi caalami ah iyo Somaliland oo sidoo kale wali raadinaya in la aqoonsado ayaa yeeshay xiriir diblomaasi, waxaana tallaabadaas ka hor yimid wadamada Shiinaha iyo Soomaaliya.

Si kastaba Guddiga amaanka Aqalka-cad ee Mareykanka ayaa soo dhaweeyay xiriirka la sheegay iney yeesheen Taiwan iyo Somaliland, waxeyna ku bogaadiyeen qoraal ay soo dhigeen barta twitter-ka.

“Farxad weyn ayaan u aragnaa in Taiwan ay wakhtigaan xoojineyso hawlgalkeeda bariga Africa kuna soo beegtay waqti baahida weyn ay jirtay, Taiwan waxaan la leenahay shuraako weyn ah xagga caafimaadka, waxbarashadda, kaalmada farsamada, iyo in kale ka badan badan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga NSC.

Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan ayaa ka dhawaajiyay iney xafiisyo is weydaarsan doonaan Somaliland, balse Shiinaha wuxuu wali aaminsan yahay in dhulkaan uu wali isaga ka mid yahay isla markaana ogolaan doonin kala qeybintiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this