Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo kulan gaar ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xalay kulan hoŕdhac ah la qaatay dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulanka oo ah mid is-xog wareysi ah ayaa waxa ay uga wada-hadleen madaxda maamul goboleedyada arrimo xasaasi ah.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen ajandaha shirka ka furmaya magaaladaasi, kaas oo ah mid u gaar ah madaxea dowlad goboleedyada dalka.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa loo adkeeyey, iyadoo ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo ilaalo u ah madaxda ay ku sugan yihiin halkaasi.

Gaba-gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan qodobada laga wada-hadlayo oo quseeyo xaaladda guud ee dalka iyo doorashada 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this