Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay shirka maanta maamul goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka furmi doona shir ay yeelanayaan madaxda shanta maamul goboleed kaas oo sida la filayo gogol xaar u ah shirka Amniga qaranka oo ay dowladda horay ugu dhawaaqday balse baaqday.

Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Internet-ka ku go’aamiyay iney Dhuusamareeb ku kulmaan 9-ka Luulyo oo shalay ku beegneed, balse in hogaamiyayaasha qaar ay soo gaari waayeen darteed maanta uu dib ugu dhacay.

Guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi oo BBC-da u warramay uu sheegay iney ku kalsoon yahiin 100%, waxaana jirta in magaalada laga soo daad gureeyay ciidamada Haramcad oo ay horay dowladda Federaalka halkaas u geysay.

Si kastaba shirka maanta ka furmaya Dhuusamareeb waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid yahiin: Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland oo isku dhinac ah iyo dowladda Federaalka, arrimaha doorashada iyo sidoo kale arrinta matalaadda gobolka Banaadir oo ay maamullada qaar diideen.

Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shirka golaha wasiirada oo xalay ka dhacay Internet-ka ku sheegay iney ku baaqayaan doorasho wakhtigeeda ku dhacda isla markaana laga fogaado muddo kororsi la tuhunsanaa iney waddo Villa Soomaaliya, waxaana xigtay warqad kasoo baxday madaxtooyada oo lagu sheegayo in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baaqa golaha Wasiirada soo dhaweynayo.

Inkastoo arintaas ay waxyar hoos u dhigeyso xiisaha shirka Dhuusamareeb ka furmaya maanta oo la filayay iney arrimaha doorashooyinka go’aan iskood ah ka gaaraan hadana isha ayaa lagu wada hayaa waxa halkaas ka dhici doona iyo go’aamada kasoo bixi doona kaas oo go’aamin doona halka ay Soomaaliya u socdaali doonto bilaha soo aadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this