Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare ee Mareykanka oo ku xukuntay M/weyne Trump go’aan hurdo la’aan ku riday

Recommended Posts

Deeq A.   

 

The US Supreme Court

 

Garsoorka maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa xukumay in xogta maaliyadeed ee madaxweyne Donald Trump ay eegi karaan kooxda dacwad oogeyaasha ah ee baaritaanka ku haya nidaamka canshuur celinta.

Sidaas awgeed, saraakiisha dacwad oogeyaasha ee ku sugan magaalada New York ayaa hadda awood u leh inay gacanta ku dhigaan macluumaad laga ilaalinayay.

Hase yeeshee, kiis kale oo kaas la xiriirana, maxkamaddu waxay xukunkeeda ku qeexday in aysan khasab ahayn in xogtaas xasaasiga ah lala wadaago Aqalka Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ee kasoo horjeeda madaxweyne Trump.

Mr Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah – tan iyo wixii ka dambeeyay madaxweyne Richard Nixon, oo xukunka soo qabtay 1970-meeyadii – oo qariyay macluumaadkiisa ku saabsan canshuur celinta.

Qareennadiisa ayaa ku dooday in xasaanaddiisa ay u sahleyso inaan howlihiisa gaarka ah la faragalin karin inta uu xilka hayo.

Waxay sidoo kale sheegeen in Congress-ka aysan heysanin marmarsiiyo ku filan inay helaan xogta dhaqaalaha madaxweynaha.

Donald Trump

Labo guddi oo ka socda Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan xisbiga Dimuqraaddiga iyo xeer ilaaliyaha degmada New York – oo sidoo kale ka tirsan dimuqraaddifa – ayaa dhowr dalbada xogta ku saabsan dhowr sano oo canshuur celinta madaxweynaha ah.

Waxay sheegeen inay eegayaan sida ay isku waafaqayaan danaha Mr Trump u gaarka ah iyo kuwa qaranka.

Mr Trump, oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Wuxuu baaritaanka lagu hayo ku tilmaamay “Ugaarsi gardarro ah”.

Maxay ku saabsan yihiin kiisaska?

Maxkamadaha hoose ee Washington iyo New York ayaa horay usoo saaray xukunno ka dhan ah madaxweynaha, kaddib markii ay dhageysteen dhammaan kiisaska.

Laakiin go’aannadooda waxaa loo dhigay dib, maadaama kiiska uu usii gudbay maxkamadda ugu sarreysa waddanka.

.

 

Labada guddi ee ka socda Golaha Wakiillada ayaa dalbaday xogta dhaqaale ee ku saabsan labo bangi oo uu la macaamilo Mr Trump – kuwaasoo kala ah Deutsche Bank iyo Capital One – iyo sidoo kale xogta la xiriirta koontooyinka madaxweynaha.

Deutsche Bank waa mid ka mid ah bangiyada faro ku tiriska ah ee oggol inay lacag amaah ah siiyaan Mr Trump kaddib markii uu wadashaqeyn fiican la sameeyay sannadihii 1990-meeyadii. Xogta la raadinayo waxaa ku jira macluumaad ku saabsan isticmaalka dhaqaale ee madaxweynaha iyo shirkadda qoyskiisa.

Qareennada Mr Trump ayaa ku doodaya in Congress-ka uusan awood u lahayn soo qufitaanka xogta u qarsoon madaxweynaha.

Baaritaannada lagu howlan yahay waxay khuseeyaan eedeymo la xiriira inay jiraan lacago uu si khaldan u isticmaalay qareenkii hore ee Mr Trump, Michael Cohen, kuwaasoo la sheegay inuu siiyay haween – Stormy Daniels oo jisha filimada anshax xumada ah iyo Karen McDougal oo horay uga mid ahaan jirtay dumarka dharka xayeysiiya.

Labadooduba waxay sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen Mr Trump. Laakiin madaxweynuhu wuxuu dafiray inuu wax xiriir ah lasoo yeeshay.

Xaaladdaas awgeed, qareennada Mr Trump waxay sheegeen in xogta ku saabsan kharashka uu isticmaalay aan loo gacan galin karin baareyaasha, maadaama uu yahay madaxweyne wali xilka haya oo xasaanad leh, wax dambi ahna aan lagu qaadi karin ilaa inta uu waqtigiisa ka dhammeysanayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this