Sign in to follow this  
Deeq A.

Maayarka Magaalo caan ka ah Dunida oo muddo la la’aa oo meydkiisa kayn laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maayarka Magaalo caan ka ah Dunida oo muddo la la’aa oo maydkiisa la helay

Park Won-soon oo ka hadlayay Arabacdii magaalada Seoul
Park Won-soon oo ka hadlayay Arabacdii magaalada Seoul

Booliska koofurta Kuuriya ayaa helay maydka duqii caasimadda dalkaasi ee Seoul oo la waysanaa tan iyo khamiistii aynu ka soo gudubnay .

Guddoomiyaha maydkiisa la helay oo lagu magacaabi jiray Park Won-soon’ ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin taas oo sare u qaaday su’aalo iska waydiinta sababta iyo shakiga la xiriira in muddo la waysanaa .

Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameyay .

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa .

Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay .

 

Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha .

Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul.

Booliska Koonfurta kuuriya oo taagan bannaanka guriga gudoomiyihii maydkiisa la helay
Booliska Koonfurta kuuriya oo taagan bannaanka guriga gudoomiyihii maydkiisa la helay

Qiyaastii 600 oo booliis iyo kooxaha dab-damiska ah oo adeegsanaya diyaaradaha drones-ka loo yaqaano iyo eeyo ayaa baarayay aaggaas muddo saacado ah Khamiistii.

Mr Park waxaa loo doortay duqa magaalada Seoul sanadkii 2011-kii iyadoo xilikaas loo doortay markiisii seddexaad .

 

Waxaa la sheegay in ay isku dhaceen madaxda sare ee dalka iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan in uu hanqal taagayay xukunka dalka doorashada madaxtinimada ee la filayo in ay dalkaas ka dhacdo sanadka 2022-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this