Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Imaaradka  Carabta ayaa aqoonsatay Basaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ka dib dedaal dheer oo ay sameeyeen xukuumaddihii kala danbeeyey ee Xisbiga Kulmiye .

Danjirihi hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Imaaradka Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ku sheegay in aqoonsiga Imaaradka ee Basaboorka Somalland ay ka danbaysay dalab uu hore Madaxweynaha Somaliland ugu gudbiyey Wasiirka Madaxtooyadda ahna ku xigeenka raysal wasaaraha dalka Imaaraadka .

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in dawlada Imaaraadka carabtu ay ku dartay dhalashada Somaliland ta waddamada ay aqoonsan tahay, Isagoo xusay inay Talaabadani ka danbaysay dalab ay hore uga wada hadleen Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Mansour Binzayed Alnahyan, Wasiirka Madaxtooyada isla markaa na ah, ku xigeenka Raysal Wasaaraha dalka UAE kadib markii uu Madaxweynaha JSL booqasho ku tagay dalka Imaaraadka bishii April ee sannadkii 2018-Kii.

Safiirka Somaliland ee waddanka Kenya Ambassador Baashe Cawil waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in Arintani ay u suurto galinayso dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka isu taga imaaraadka carabtu in ciqaamadooda ay ku qaadan karaan dhalashada Somaliland iyo Passportka Somaliland.

Arrinta ayaa muujinaysa dedaalka iyo diblamaasiyada xoogan ee ay qaaday siyaasada arrimaha dibadda ee JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this