Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Khayre oo wacad ku maray inaysan dhici doonin muddo kordhin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Hadalka Kheyre ayaa dhabarjab weyn ku ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddiga doorashada ee u adeegaya oo dadaal xooggan ugu jira in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha.

Sidoo kale, hadalka Kheyre ayaa banaanka keenay khilaaf cad oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this