Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland Oo Gaaray Dhuusamareeb+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo siweyn loogu dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diraayadaha ku soo dhoweeyey madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana uu ka qeyb gelidoonaa shirka madxda maamul goboleedyada.

Madaxweyne Madoobe ayaa ah madaxweynihii ugu dambeeyey ee lag sugaayey  waxaana uu ku biirayaa madaxda Koorfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Puntland oo horay u soo gaaray magaalada caasimada ah Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay marti gelinaysaa shirka madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inuu ka furmo magaalada saacada soo aadan waxaana shirka looga hadli doonaa arrimo badan oo xaaladaha dalka ah, waxaana shirka sidoo kale ka qeyb galayo mudanayaal ka tirsan labada gole ee baarlamanaka federaalka.
107696391_2311012385860370_398366330027234196_n.jpg?_nc_cat=110&_nc_sid=110474&_nc_ohc=bP_Hsf7uhfkAX8tUE2U&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=3264651be7cf607daf6f72ba6f561f2b&oe=5F2D6B67

Image may contain: 5 people, people standing

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Image may contain: 5 people, people standing

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this