Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu maanta ka furmi doono shirka madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay wefdiga madaxweynaha Koofur Galbeed, mas’uuliyiin heer fedaraal iyo heer dowlad goboleedka ah oo uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay halkaas tagaan madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele, Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo shalay galab gaaray halkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this