Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha JF oo bilado siiyey guddigii maalmaha xoriyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddiyo ka socday xubnihii u xilsaarnaa qabanqaabadatodobaadka xoriyadda, olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Munaasabaddan oo loo soo agaasimay si heer sare ah,waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro kale oo ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Billad Sharaf guddoonsiiyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen Olalaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa shaaciyay in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in Ololaha Isxilqaan looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

IMG-20200709-WA0003-300x253.jpgIMG-20200709-WA0005-300x200.jpg

Post navigation

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this