Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Taiwan Oo Si Adag U Difaacday Cilaaqaadka Ay La Leedahay Somaliland, Una Jawaabtay Shiinaha Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan ayaa  jawaab adag ka bixisay naqdigii ka soo yeedhay Dawladaha Shiinaha iyo Soomaaliya oo ka soo horjeedsaday iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan oo isdhaafsaday laba Xafiis Safaaradeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan ayaa sheegtay in aanay wax aragti ah  uga baahnayn Dawladda Shiinaha iyo dalalka ay xulafada yihiin, sidaasna waxa daabacay maanta Warsidaha  Taipei Times  ee Waddanka Taiwan oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Taiwan Mrs.  Joanne Ou, ayaa tilmaantay in  xisbiga talada Shiinaha hayaa aanu waligii maalin kaliya ka talin dalka Taiwan.

Waxa kaloo ay  Afhayeenku intaas ku dartay in Taiwan iyo shacabkeeduba ay waxtar kala duwan   u leeyihiin caalamka, islamarkaana  ay ku faraxsan tahay inay sii xoojiyaan inay la saaxiibbaan dalalka u heellan Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyadda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan Mrs.  Joanne Ou, waxa ay ku dooday in aanay fikir ah uga baahnayn Dawladda Shiinaha. Waxaana ay intaas ku dartay inay Somaliland  muhiim ugu tahay halka ay adduunyada kaga taallo oo u dhow gacanka Cadmeed iyo Khayraadkeeda dihin ee dhinacyada Kalluumaysiga, Tamarta iyo Macdanta.

Mrs.   Joanne Ou,  waxa ay  caddeysay inay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ay yihiin laba dal oo isku duuban oo u taagan adkeynta Dimuqraadiyadda iyo Xoriyadda, waxaanay shaacisay in Xukuumadda Taiwan ay sii wadayso inay sare u qaado cilaaqaadka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee  ku salleysan siyaasadda waaqiciga ah ee ka dhexeeya Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this