Sign in to follow this  
Deeq A.

Xal waara oo laga gaaray dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiisha booliska Hirshabeelle iyo maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro Ciidamo ka kala tirsan booliska Hirshabeelle iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabeelle, kuwaaso dhawaan shaqaaqo ay ku dhex martay Aaga Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Maamulka Gobalka Sh/Dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow & Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey ayaa ugu baaqay Ciidamada kala duwan ee ku sugan Magaalada Jowhar inay si nabad ah Magaalada kuwa joogaan,waxaana ay ku baaqeen in qaraar laga soo saaro cidda iska leh dhul Ciidamada ku dagaalameen.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadin doonaan askarigii ka qeyb gala dagaal qabiil, isla markaana ay maxakamadda ciidamada qalabka sida horgeyn doonaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this