Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo Haweenay Somali-kenyana u xulatay inay u tartanto xil muhiim ka ah dunida

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya oo Haweenay Somali-kenyana u xulatay inay u tartanto xil muhiim ka ah dunida

Aamina Maxamed waxay hadda ka soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya
 Aamina Maxamed waxay hadda ka soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya

Kenya ayaa wasiirka ciyaaraha Aamina Maxamed u xulatay musharraxeeda uga qeyb geli doonto tartanka dalalka caalamka ay ugu jiraan madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka, doorashada waxay dhici doontaa bisha Agosto.

Cidda ku guuleysata doorashadan waxay baddali doontaa ninka haatan madaxda ka ah Ha’yaddan oo ka soo jeedo dalka Brazil kaas oo xilka ka degaya 31-da bisha Agosto.

Aamina Maxamed ayaa kamid ah dadka loolanka ugu jiro sidii ay ku hanan lahaayeen madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka

Aamina Maxamed ayaa sannadkii 2013-kii u tartantay kursigan balse waxaa ka guuleystay Robert Azevêdo oo kasoo jeedo Brazil.

Waxaa jagadan tartan ugu jiraa ilaa lix dal oo ay labo kasoo jeedaan Afrika, kuwaas oo kala ah, Nigeria, Masar, Kuuriyada Koonfureed, Mexico iyo Moldova.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this