Deeq A. Posted July 8, 2020 Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, laga soo daad gureeyey tiro ciidamada Booliska ah ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad, kuwaas oo horay loo geeyey. Madaxda Puntlnad iyo Jubbaland ayaa ka hor furitaan shirka magaalada Dhuusamareeb ee baritto ayaa waxaa ay dalbadeen in gabi ahaan magaalada caasimadda ah laga soo saaro ciidamada Booliska loo yaqaanno Haramcad. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goordhoweed ka soo duushay diyaarad nuuca ciimada daababusha ah, taas oo soo qaaday ciidamada, oo tiradooda lagu sheegay ilaa 200 oo askari oo ka tirsan Booliska gaarka ee Haramcad. Ciidamadaan oo lagu tababaray dugsiga tabarka ciidamada ee Tursksom ee Muqdisho ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb la geeyey, waqtigii doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites