Deeq A. Posted July 8, 2020 Idiris Cumar Teeshow oo haatan dhibane ah ayaa sheegay in dhul uu isagu leeyahay ay heystaan dad u awood sheeganaya, kaas oo ku yaalla magaalada Jowhar, islamarkaana ay maalin ka hor isku dagaaleen ciidamada HirShabelle iyo dadka heysta dhulkaasi. Teeshow ayaa tilmaamay in dhulkan uu dacwaddiisa la tegay illaa heer maxkamad, loona xukumay, kadib markii la hubiyey dukumintiyadiisa. Sidoo kale wuxuu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa HirShabelle, isaga oo ka codsaday inay soo fara-geliyaan arrintaasi, si uu cadaalad u helo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/teshow.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites