Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Turkiga Oo Xabsiga Dhigay Dad Badan Oo Ay Soomaali Ku Jiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Booliska waddanka Turkiga ayaa xidh-xidhay dad badan oo ay Soomaali ku jirto kuwaas oo isku dayay iney si sharci darro ah uga baxaan gudaha waddanka.

Taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Turkiga ayaa ka dhawaajiyay iney xabsiga dhigeen 276 qof oo ay Soomaali ku jirto.

Sida wararka lagu helayo markabka ay saarnaayeen dadkaan oo ahaa mid xamuul ah ayaa kusoo xidhay xeebta Aegean, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay sideed qofood oo ahaa dadka wax tahriibiya.

Wakaaladda wararka tzurkiga ee Anadolu ayaa baahisay in hawlgalkaan lagu soo qabtay muwaadiniintaan uu socday maalmahii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay iney kasoo kala jeedaan wadamada: Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Inkastoo Turkiga uu soo dhaweyn qurux badan u sameeyay soogalootiga wadankiisa kusoo qulqulay oo u badnaa Suuriyaan sanadahii ugu dambeeyay ayaa hadana wuxuu xoogga saarayaa in aan si sharci darro ah looga tallaabin.

Turkiga waa marinka ugu weyn oo ay hadda dadka wadamadooda ka cararaya isticmaalaan si ay u gaadhaan qaaradda Yurub, maadaama Turkiga ay xuduud la leeyahiin wadanka Greece.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this