Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Safiirka Shiinaha U Fadhiya Soomaaliya uu Booqasho ku Imanayo Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Safiirka Jamhuuriyadda Dalka ee Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Qin Jian ayaa la sheegay inuu socdaal ku imanayo Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi,haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in safiirku doonayo inuu socdaal ku yimaado Hargaysa si uu ula kulmo Madaxwayne Biixi

Socdaalka safiirka ayaa la xidhiidha iskaashiga cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan.

Lama garanayo in safiirka Shiinuhu u socdo oo kaliya inuu isku dayo inuu Somaliland ku qanciyo in ay ka laabato xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo in uu u socdo qorshe kale.

Shiinaha ayaa kor iyo hoosba u sheegay inaanu ogolayn in Taiwan xidhiidh la samayso Dalalka Somaliland ka midka tahay, isaga oo markii uu soo baxay heshiiska Somaliland iyo Taiwan ku eedeeyay Somaliland inay duulaan ku tahay midnimada dhuleed ee Shiinaha, laakiin arrinkaasi waxa ku gacan-saydhay Taiwan iyo Somaliland labadaba

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this