Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya saaka lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka xaruntii hore ee madaxtooyada Cabdiqaasim, waxaana lala bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen askar Boolis ah.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali  oo wareysi Shabelle ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa askari oo ka mid ah ciidamadii la socday gaariga la qarxiyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo qof kale oo rayid ahaa.

Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan u geysata askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this