Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari 2000 shilin Soomaali ah u dilay qof shacab ah oo la xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo lagu riday Dable Booliis 24,682 Nuur Daahir Geeddi oo 16-06-2020 degmada Xamarjajab ku dilay, Cumar Xasan Macalin oo 70 jir ahaa.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Booliis Nuur Daahir lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin.

Eedeysane Nuur Daahir Geeddi ayaa horey u qirtay inuu geystay falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey.

Sidoo kale dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Nuur ayaa dhacday 5-tii bishaan, iyada oo ay maxkamadda shaacisay in dib ka soo sheegi doonto xukunka ku dhacay Askariga, maadaama la dhageystay xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayey eedeysanaha.

Allaha u naxariistee marxuumka oo da’ahaa ayaa nolosha qoyskiisa ka maareynayey iibinta sandaqad yar, wuxuuna dilka marxuumka ka dhashay muranka labo kun shillin Soomaali ah oo sigaar kaga iibsanayay, waxaana dilkaasi uu dhaliyey caro dadweyne.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this