Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni Oo Shuruud Hor Dhigay Tagitaankooda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa shuruud adag hor dhigay tagitaanka Dhuusamareeb, halkaas oo lagu wado in maalita barrito ah oo 9 bisha ah uu ka furmo shirka madaxda dowlad goboleedyada, oo uu marti geliyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor.

Labada madaxweyne ayaa maamulka martida loo yahay waxaa ay ka dalbadeen in magaalada gabi ahaan laga saaroo ciidamada Booliska gaarka ee Haramcad, waxaana ay sheegeen in aysan imaan doonin Dhuusamareeb inta ay ku sugan yihiin ciidamadaas, iyaga oo sheegeen in Haramcad ay hoos tagaan dowladda federaalka kana amar qaataan .

Maamulka Galmudug ayaa bilaabay sidii loo soo dad gureyn lahaa ciidamadaan, kuwaas oo gaarayo 200 oo askari oo Galmudug la geeyey waqtigii doorashada wixii intaas ka dambeeyey waxaa ay ku suganaayeen magalada, waxaa la filayaa in Harmcad in  dib luugu soo celiyo magaalada Muqdisho oo markii hore laga daad gureeyey ciidamadaan.

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this