Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in markale halkaas uu ka dhacay weerar dil ah oo lagu khaarijiyay sarkaal ciidan.

Xoogag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay sarkaal katirsanaa taliska ciidanka Xoogga dalka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in dabley hubeysan ay toogteen sarkaal ay darajadiisa ciidan aheyd Sarreeye Guuto.

Xarakada Al-Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalkaasi.

Weerarada lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan  Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa maalmahaan dambe si aad ah u xoogeystay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this