Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmada Hodan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in miidanadaas lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxa, balse ma cadda inta uu la’egyahay.

Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay hadda ah mid aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this