Deeq A. Posted July 8, 2020 Ciidanka Booliska Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgalo kala duwan oo ay ku soo qabteen maandooriyaha Khamriga waxay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.. Taliyha Saldhiga Booliska Caabudwaaq Dhame Qalbi Axmed Cali ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada isagoo xusay in Maandooriyaha Qamriga maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayay Caabudwaaq. Sidoo kale Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Galgaduud Gaashaanle Sare Maxamuud Dhagahoor ayaa ku amray Ciidamada iyo Saraakiisha in ay soo qabtaan cid kasta oo qamri soo gelisa Caabudwaaq si loo xaqiijiyo Amniga Ciidanka Booliska ayaa goob faraago ah ku burburiyay dhalooyin badan oo qamri ah kuwaasi oo ciidamada ay kusoo qabteen howlgal laga sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Booliiska Galmudug oo qabtay Khamri fara badan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites