Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kawada Hadleen Guddoonka Aqalka Sare iyo Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa maanta magaalada Muqdisho  waxaa uu kula kulmay guddoonka golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Abshir Maxamed Axmed, ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyey arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka sidii looga wadatashan lahaa.

Madaxweyne Xasan ayaa guddoonka golaha uga mahadceliyey sida ay ugu dadaalayaan in ay dhacdo doorasho ay kawada tashtaan dowladda, doowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka ee saluugsan siyaasadda dowladda.

Dhanka kale guddoonka ayaa uga mahadceliyey dhankiisa madaxweyne Xasan sida mar weliba uu shacabka Soomaaliyeed u siiyo talooyinka maasiiriga ah ee dalka iyo sida dalka uu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this