Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Soomaaliyada oo cabitaan ay iibsatay loogu dul qoray magaca kooxda ISIS 

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabadh Soomaaliyada oo cabitaan ay iibsatay loogu dul qoray magaca kooxda ISIS

Gabadh Soomaaliyeed oo kunool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa xadgudub loogu geestay maqaayad kutaala magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka Minnesota xili ay cabitaan ka iibsaneysay.

Gabadhan oo magaceeda kusoo koobtay Caa’isha ayaa sheegtay xili ay cabitaan ka iibsaneysay maqaayadda Starbucks ee ku dhax taala xarunta Ganaci ee Target loogu qaray cabitaanka magaca Kooxda ISIS .

”Ereyga lagu qoray cabitaanka waa erey dhaawac weyn u geestay sumcada muslimiinta kunool dhamaan caalamka,markaan cabitaanka soo qabsaday aad ayaan u naxay, waxaan layaabay waqtigan la joogo in qof ku dhiirado in magaca ISIS dad ugu dul qoro cabitaan la iibsaday, ayey tiri Caa’isha.

star.jpg?resize=696%2C391&ssl=1

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in ay u dacwootay maamulihii maqyaada balse uusan siin jawaabtii ay fileysay, waxa ayna xustay Caa’isha in maamulaha maqaayada la saftay shaqaalihii xadgudbka u geestay.

Hay’adda CAIR ee u doodda xuquuqda muslimiinta Mareykanka ayaa si kulul u cambaareesay xadgudbkan loo geestay gabadhan Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay masuul u hadlay Hay’addan in ay sii kordhayaan tacadiyada ka dhanka ah Muslimiinta.

Ugu Dambeyn gabadha Soomaaliyeed ee xadgudubka loogu geestay gudaha maqaayada Starbucks iyo Hay’ada CAIR ayaa si wadajir ah u dalbaday in shaqada laga joojiyo shaqaalihii xadgudubka geestay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this