Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ay maleegeen xubno Al-Shabaab ah oo la fashiliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sirdoonka maamul goboleedka Jubbaland ayaa fashiliyay qarax ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ka fulin rabeen deegaanadooda isla markaana ay rabeen iney dad shacab ah ku dhibaateeyaan.

Sirdoonka waxey bartooda Facebook soo dhigeen qoraal ay ku xuseen fashilintas weerarkaas, sidoo kalana waxey sheegeen iney soo saareen miino ay dagaalyahanadu meel ku aaseen.

Warbixinta lasoo dhigay baraha bulshada laguma cadeynin deegaanka ay arrinta ka dhacday, balse waxaa lagu soo koobay kaliya iney tahay meel u dhaw webiga Jubba.

“Ciidanka oo daba socday xogna ka hayay damaca cadawga ayaa Miinadan idiin muuqato ka soo saaray goob ay argagixisadda geliyeen oo wabiga qarkiisa ah waxaana ay damacsanaayeen in ay gudaha tuulada soo geliyaan hase ahaatee waa laga hortagay dhagartooda,” ayaa lagu yiri bayaankii lasoo qoray.

Bayaanka waxaa sidoo kale ku qornaa: “Laba asbuuc ka hor ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa ay fashiliyeen isku day noocaan oo kale ahaa aaga Yoontooy ayagoo Miinnoyin fashiliyay”.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday hawlgallo ay ku doonayeen iney ku xaqiijiyaan amaanka maamulka oo ah meesha ay ugu badan yahiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo laga helay dhanka dagaalyahanada oo arintaan ku saabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this