Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo sheegay in uu qayb-ahaan ku guulaystay Dib u-heshiisiinta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo xalay hadal ka jeediyay Degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu qayb-ahaan ku guulaysatay Dib u-heshiisiinta Galmudug iyo Hub-k-dhigista Malayshiyaadka Beelaha.

Madaxweyne Qoor Qoor, wuxuu Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay adkeeyaan Midnimada iyo Wadajirkooda, ayna meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo dhibaato ku wadda, si ay u gaaraan Himiladooda ku jihaysan Amni, Hormar iyo Barwaaqo.

Madaxweynaha Galmudug, waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddiisu sii dhammaystiri doonto, inta ka harsan Dib u-heshiisiinta Galmudug, kadibna ay gacan ka gaysan doonto Dib u-heshiisiinta Guud ee Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Qoor Qoor, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku hawllanaa  Barnaamij uu ku magacaabay Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Galmudug, waxaana uu socdaal ku marayay Degaanno kala duwan oo Maamulkaas ka tirsan.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor oo sheegay in uu qayb-ahaan ku guulaystay Dib u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this