Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo dheeraad ah oo la dhigay wadooyinka magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka si aad ah loo adkeeyey amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay jidadka magaaladaasi, kuwaas oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena hubinaya dadka lugeynaya.

Ujeedka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa amniga Dhuusamareen oo 9-ka bishaan ay shir gaar ah ku yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo ka arrinsadn doono xaaladda dalka.

Sidoo kale waxaa sidoo la filayaa in wafuud kala duwan ay saacadaha soo socda gaaraan Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaay dadaalada socda diyaar garowga intaba.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne maamul goboleed ee dalka, iyaga oo ka wada hadlaya amniga, doorashada iyo xaaladda dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this