Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo baaq culus u diray madaxda DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka oo haatan ku jira marxalad kala guur ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la yimaadaan siyaasad cad, islamarkaana ay abuuraan kalsooni shacab iyo is-aaminaad, si looga gudbo caqabado uu sheegay inay haatan ka jira guud ahaan dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la soo maray marxalado aad u adag xilli ay talin jireen hoggaamiye kooxeedyo, balse haatan loo baahan yahay in la hormariyo dowladnimada.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka looga fadhiyo inay qaadato doorkeeda ku aadan horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this