Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo ‘qarax miino lagu dilay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino ciidamadaasi lala eegtay xilli ay marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah oo ay wateen ciidamadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa shaaciyey inay ku dishay ugu yaraan illaa afar askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku dhaawacday tiro kale, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan qaraxaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray.

Inta badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weeraro dhab-gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfuta iyo bartamaha Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this