Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go’aan ka farxiyey Shacabka Dalkiisa 

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go’aan ka farxiyey Shacabka Dalkiisa

 uhuru.jpg

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaaku dhawaaqay in laga bilaabo berito la qaaday xayiraaddii dhinaca safarka ee saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandhera.

Wuxuu intaas ku daray in muddo 30 maalmood ah oo kale lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19.

Duulimaayada gudaha Kenya ayaa la furi doonaa 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agoosto ee soo socota sida uu sheegay Uhuru Kenyatta.

Wuxuu sheegay in xayiraadda dib loo soo celin doono waa haddii mar kale ay sare u kacaan kiisaska cudurka Covid-19 oo illaa hadda Kenya ay diiwaan gelisay 7,886 oo kiisaska cudurka halka dhimashadu ay gaartay 160 qof, waxaana ka bogsaday dad fara badan.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this