Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo amray in aan wax deegaamayn cusub laga sameyn karin Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo saaray amar uu ku joojinaayo dhisida iyo deegaameynta dhul daaqsimaadka Puntland.

Dikreeto kasoo baxday xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in dhamaan deegaameynta cusub laga sameyn karin dhal daaqsimaadka Puntland.

“Dhammaan wasaradaha iyo taliyeyaasha ciidamada booliska iyo daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa, laga billaabo maanta in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta dhul daaqsimeedka deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay xafiiska Deni.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Puntland soo saari doonto sharuuc cusub iyo hab raac loo maro dhulalka cusub ee la deegaameynaayo.

Mamnuucista deegaameynta dhul daaqsimaadka Puntland ayaan la ogeyn sababta loo mamnuucay, hase ahaate waxaa mudooyinkii danbe soo baxay murano ku saabsan dhulal la isku qabsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this