Sign in to follow this  
Deeq A.

Militeriga Soomaaliya oo dilay xubno Shabaab ah kuwo kalena nolosha ku qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybsiita 60-aad ee gobolka Bay ayaa soo bandhigay laba nin oo sida ay sheegeen ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo ay ciidamadu sameeyeen.

Howlgalkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay ayey sheegeen saraakiishu inay ku dileen laba dagaalame, iyagoo soo bandhigay laba kale iyo qoryahooda.

Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya.

Degaanka Awdiinle ayaa qiyaastii 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, waxaana shalay deegaankaas weerar toos ah ku qaaday ururka Al-Shabaab, in kastoo maamulka deegaanku uu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay fashiliyeen weerarkaas.

Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay Ibraahim Maxamed Nuur ayaa shalay markii uu weerarku dhacay kadib warbaahinta u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka dileen shan xubnood ugu yaraan lix kalena ay dhaawacyo ku qaateen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this