Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo ansixiyey hindise-sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhinaabada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ku ansixiyay hindise-sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudane ,Cabdiweli Sheekh Ibraahim ayaa hindisahii lasoo bandhigay waxaa oggolaatay137 mudane, waxa ka aamusay Hal Xildhibaan, waxaana diidday Shan mudane.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur oo kulanka goob-joog ka ahayd ayaa Golaha Shacabka ugu mahad-celisay meel marinta hindise sharciyeedkan.

Dhanka kale waxa ay Maanta mudanayaasha Golaha Shacabku aqrinta 2-aad marsiiyeen hindise sharciyeedka qareennada Soomaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

F2.jpg F4.jpg F5.jpg F3.jpg F1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this