Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay Rabshadihii  ka qarxay Dilka Fanaankii Hachalu hundessa

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay Rabshadihii  ka qarxay Fanaankii Hachalu hundessa

 itobiya-300x168.jpg

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay rabshadihii xooganaa ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogashadii loo geystay Haacaaluu hundeessa oo ahaa fanaan caanka ah wadankaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska deegaanka Oromada, Girmaa Galaan ayaa sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen 166 ruux, sidoo kalena ay waxyeelo soo gaaray 167 kale.

Girmaa Galaan ayaa xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ay xireen intii ay rabshadaha socdeen iyo kadib illaa 1,084 qof, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Dhimashada ayuu sheegay inay timid, kadib rasaas ay ciidamada ammaanka ku fureen dibad-baxayaasha iyo sidoo kale isku dhac dhex-maray dibad-baxayaasha iyo Booliska.

Xaaladda Itoobiya ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay aheyd mid degan, balse waxaa jidadka Addis Abab ku sugan ciidamo dheeraad ah oo xoojinayo amniga magaaladaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this