Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Fiqi oo Tababar u Furay Ciidamo Kamid Noqonaya Daraawiishta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa tabar u furay askar kamid noqoneyso Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo lagu xareeyey xerada Dhaan Karoone ee duleedka degmada Gelinsoor.

Wasiirka ayaa sheegay in askartaan  lasiin doono tabar dhowr bilood ah loona carbinayo sidii ay uga mid noqon lahaayeen aasaaska daraawiista dowlad goboleedka.

Ciidamadaan ayaa horay ugu xareysnaa xerada indhoqaris ee duleedka deegaanka Docol ee gobolka Mudug ayaa waxaana loo soo wareejiyey xeradaan si ayu u qaataan tabarkii u haray.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waday sidii loo unki lahaa ciidamdo Daraawiish ah oo uu yeesho maamulka, kuwaas oo la wareega amniga guud ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this