Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxaha burcadda ah ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada hubeysan oo ay la beegsanayaan Soomaalida ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika.

Xalay waxaa magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi goobtiisa shaqada ay kooxahaasi ku dhaawaceen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Barre, kaas oo haatan xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

27-kii Bishii la soo dhaafay waxaa lagu dilay gobolka Eastern Cape muwaadin kale oo lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, halka la dhaawacay, Cumar Maxamed Dhiblaawe.

Dilalka, dhaawaca iyo boob hantiyadeed ayaa waxaa ay si joogta ah uga dhacaan Koonfur Afrika, waxaana falkaasi geysta Kooxaha burcadda ah, iyad aoo aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo Soomaalida ku nool magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this