Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal muddo saacado ah socday uu ka dhacay halkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegaya in khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, kana dileen illaa 5 xubnood.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this