Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamadaas ay ku leeyihiin Awdiinle.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay weerarka, kadib dagaal toos oo u dhexeeyey labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka warbixiyey dagaalkaasi ayaa waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday, islamarkaana ay ka hortageen.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan illaa 5 ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this