Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: XF oo gargaar caafimaad kala wareegtay Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Axad ah guddoontay kaalmo caafimaad oo 14.5 tan oo ah agab lagu xakamaynayo faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus iyo kahortagga daadadka oo ay ku deeqday Midowga Yurub, lana soo mariyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu saaxiibada nahay ee Talyaaniga oo lagu soo gaarsiiyay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho diyaarad xamuul ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ka hadlay munaasabadda guddoomidda, oo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Midowga Yurub, Mudane Nicolas Berlanga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Alberto Vecchi, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo Dowladda Talyaaniga kaalmadooda caafimaad oo sare u qaadaysa awoodda xirfadlayaasha caafimaadka ay kaga hortagayaan COVID19. Waxa uu caddeeyay in duulimaadkani oo ah kii koowaad ee bani’aadannimo oo Midowga Yurub agab caafimaad ku soo gaarsiiyo Muqdisho ka koobnaa af-saabka (maaskaro), dareeraha gacmaha lagu dhaqo, gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta leh iyo qalabka baaritaanka, waxaa intaa sii dheer agabka lagu mooso daadadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 2,961 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 973 ruux oo bogsatay iyo 92 ruux oo u geeriyootay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

107075162_2698794250366120_2367350669091162839_n 107099335_2698792343699644_6219818472958506157_n 106925030_2698791737033038_6164842011717939670_n 106771369_2698792150366330_5219678981459607400_n 107700901_2698791570366388_8895968805963882533_n 107601607_2698792290366316_6155682612486086339_n 107017241_2698794080366137_3799185571202204016_n 106973786_2698791883699690_2765652106164987643_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this